Xasan Sheekh oo xilkii ka qaaday Cumar Filish, una magacaabay Yuusuf Xuseen Jimcaale

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilkii ka qaaday guddoomiyihii iyo duqii Muqdisho Cumar Filish, wuxuuna xilkaas u magacaabay Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Wareegto ka soo baxday Villa Somalia ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo tixraacaya soo-Jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u Heshiisiinta XFS ayaa u magacaabay Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Caasimadda Muqdisho”.

“Madaxweynaha ayaa ku saleeyey magacaabistan aqoonta iyo waayo-aragnimada shaqo ee uu leeyahay Guddoomiye Yuusuf Xuseen Jimcaale oo horey xilkan u soo qabtay, door wanaagsanna ka soo qaatay dib u dhiska caasimadda Muqdisho iyo guud ahaan horumarka Gobolka Banaadir” ayaa la raaciyay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay Guddoomiye Yuusuf Jimcaale in uu mudnaan siiyo qorshaha xasilinta iyo amniga caasimadda, dib u heshiisiinta, xoojinta wadashaqeynta laamaha ammaanka iyo bulshada Gobolka Baanaadir, bilicda iyo baahinta adeegyada aas-aasiga, wuxuuna faray dhammaan hay’adaha dowladda ee ay shaqo wadaagta yihiin in ay si dhow ula shaqeeyaan Maamulka cusub ee Gobolka Banaadir.

Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa xilkan horay loogu magacaabay November 2015, waxaana laga qaaday April 2017.

PUNTLAND POST