Madaxweyne Deni oo dalacsiiyay Kooxda Fanka Horseed oo ka mid ah Ciidanka Daraawiishta

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta xilka u kala wareejiyay Taliyaha cusub ee Ciidanka Difaaca Puntland (Daraawiishta) Gen. Abshir Cabdi Jaamac (Abshir London) iyo Taliyihii hore Gen. Yaasiin Cumar Dheere.

Madaxweynaha Puntland ayaa tilmaamay in Ciidanku ay kaallin muhiim ah ka qaataan dhammaan shaqooyin dalka ka socda, isagoo u rajeeyay taliyaha cusub ee xilka la wareegay Gen. Abshir Cabdi Jaamac (Abshir London) in uu si wanaagsan u guto waajibaadka horyaalla.

Madaxweyne Deni ayaa fanaaniinta Kooxda Horseed oo ka mid ah Ciidanka Daraawiishta Puntland, min hal xiddig dalacsiiyay, si gaar ah wuxuu labo xiddig u dalacsiiyey sarkaalad Raxma oo ka mid ah kooxda, wuxuuna ku boggaadiyay doorkooda wacyigelinta ciidanka.

Munaasabadda Xilwareejinta Taliska Ciidanka difaaca Puntland oo ka dhacday hoolka shirarka ee xarunta Ciidanka 54-aad, waxaa Madaxweynaha kala ka qeybgalay Wasiirka Amniga Cabdisamad Galan, Wasiirka Warfaafinta Maxamuud Caydiid Dirir, Saraakiisha Ciidanka Difaaca Puntland heerarkooda kala duwan, Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland, Guddiga dib-u-habeynta Ciidamada Puntland, Lataliyeyaasha Amniga ee Madaxweynaha, Qunsuliyadda Itoobiya ee Puntland, Fanaaniinta Kooxda Horseed ee Ciidanka Daraawiishta Puntland iyo marti sharaf kale.

Ciidanka difaaca Puntland ee Daraawiishta oo ah Ciidankii ugu horeeyay ee Puntland lagu aasaasay, ayaa saddexdii sanno ee ugu danbeysay dowladdu ku sameysay dib-u-habeyn, tababar iyo tayeyn ciidan.

PUNTLAND POST