
Gudoomiyaha Hay’adda Wadooyinka Puntland , Cabdifitaax Maxamed Sugulle ayaa kormeer ku tegay dhismaha wadada Buurtinle-Xaarxaar ee gobolka Nugaal.
Gudoomiyaha ayaa warbixin ka dhegaystay masuuliyiinta shirkada dhismaha wada iyo Injineerada shaqada gacanta ku haya.
Wuxuu sidoo kale booqday dhismaha Buundada Saddex qollay oo maraysa heer gabgabo ah, isagoo goob joog ka ahaa dhigista shubka kore ee Buundada.
Mudane Cabdifitaax, ayaa u mahadceliyay maamulka shirkadda iyo howlwadeenada mashruuca isagoo kula dardaarmay in shaqada loo wado hab wadaniyada iyo mas’uuliyad dheeraad ahi saarantahay.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.