Soomaaliya: 1.5 milyan caruur ah oo la ildaran yihiin nafaqo darro ba’an

War-saxaafadeed u akhrinayo wasiir Fiqi

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeedka ay soo saartay ku sheegtay in 6.9 milyan qof ay saamaysay abaarta ka jirta dalka.

Sidoo kale waxaa la sheegay in abaartu barakicisay 894 kun oo qof, halka 1.5 milyan oo caruur ahi la ildaran yihiin nafaqo darro ba’an.

In kastoo guud ahaan dalka ay si siman u saamaysay abaarta haddana xogta Dawladda Federaalka Soomaaliya waxaa lagu sheegay in ay ugu daran yihiin gobollada Bay, Bakool, Hiiraan, Galgaduug, Mudug, Nugaal, Sool iyoTogdheer.

PUNTLAND POST