Maxay ka wada hadleen Ra’iisul Wasaare Xamse iyo Martin Griffiths?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta la kulmay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Arrimaha Bini’aadannimada, Martin Griffiths.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay wada shaqeynta iyo xiriirka hay’adaha Dowladda iyo kuwa Qaramada Midoobay ee la xiriira arrimaha gurmadka abaaraha iyo samafalka, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Xamse.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa xusay in xukuumaddu ay mudnaan gaar ah siinayso arrimaha gurmadka abaaraha iyo u diyaar garowga sidii xal waara looga gaari lahaa abaarta soo noqnoqtay, iyadoo ay Dowladdu xooga saari doonto, buu yiri sidii loo heli lahaa qorshayaal fog oo looga hortagayo abaaraha.

Dhanka kale Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Arrimaha Bini’aadannimada, ayaa sheegay inuu caalamka ka codsan doono in gacan la siiyo Soomaaliya xilligan adag ee ay ku jirto.

PUNTLAND POST