Cismaan Gammuure: Jidka keliya ee Puntland u furan waa doorashooyinka qof iyo cod

Guddoomiyaha urur siyaasadeedka Run iyo Caddaalad Cismaan Gammuure ayaa sheegay in jidka keliya oo u furan Puntland uu yahay hirgelinta doorashooyinka qof iyo cod si ay burbur uga badbaado.

“ Aniga waxaan aaminsanahay in Puntland ay ku burburayso haddii dib loogu noqdo nidaamkii qabiilka iyo musuq maasuqa markaas jidka keliya oo furan waa hirgelinta doorashooyinka qof iyo cod” ayuu yiri Cismaan Gammuure.

Guddooomiyaha ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka siyaasiyiinta qaarkood faafiyeen oo ku saabsan in madaxweyne Siciid Deni uu mudda kororsi ku doonayo barnaamijka doorashooyinka qof iyo cod.

“ Ururrada siyaasadda iyo dowladdu waxay ku heshiiyeen in wakhtiga harsan meeshii la gaarsiin karo la gaarsiiyo doorashooyinka qof iyo cod wixii ka danbeeyana ay dhammaystirto ciddii xukunka timaadda marka waxba kama jiraan mudda kororsiga la sheegayo” ayuu sii raaciyay.

Guddoomiyaha urur siyaasadeedka RUNCAD ayaa sidoo kale sheegay in barnaamijka xisbiyada badan ay diiddan yihiin siyaasiyiin sharci-darro iyo musuq maasuq ku caana-maalay islamarkaana doonaya wixii ay u barteen.

PUNTLAND POST