Wararka ka imanaya waddanka Canada ayaa sheegaya in gobolka Saskatchewan ay ka dhaceen laba weerar oo loo adeegsaday mindi, islamarkaana khasaare dhimasho iyo dhaawac sababay.
Ugu yaraan 10 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen weerarka, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 15 ruux oo kale, sida ay werisay wakaaladda wararka ee AP.
Laamaha ammaanka ayaa sheegay inay baadi-goobayaan laba qof oo lagu tuhunsan yahay in ay fuliyeen weeraradaas.
Rhonda Blackmore, oo ah Kaaliyaha Guddoomiyaha gobolka Saskatchewan, ayaa sheegtay in dhibanayaasha qaarkood ay u muuqdaan inay ahaayeen bartilmaameed si gaara loo beegsaday.
PUNTLAND POST