Xasan Sheekh oo sameeyay magacaabis cusub

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Maxamed Xasan Ibraahim (Qoone) la-taliyaha madaxweynaha ee xiriirka dowlad-goboleedyada.

Wareegto ka soo baxday madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya muhiimadda ay leedahay xoojinta wada-shaqeynta heyadaha dowladda, gaar ahaan xiriirka dowlad-goboleed ayaa u magacaabay Mudane Maxamed Xasan Ibraahim (Qoone) in uu noqdo Lataliyaha Madaxweynaha ee Xiriirka Dowlad-goboleedyada”.

“Xeerkan Madaxweyne Lr 29 oo lagu magacaabay Lataliyaha ayaa dhaqan galay; Axad, 04-ta bishan Sibteembar, 2022, oo ah markii lagu baahiyey faafinta rasmiga ah ee dowladda” ayaa lagu daray.

Magacaabista ayaa ku soo aaday, xilli uu xun yahay xiriirka iyo wada-shaqaynta Dowladda Federaalka ee hoggaamiye Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Dowladaha xubnaha ka ah DFS.

PUNTLAND POST