Nabaddoon la filayo in loo magacaabo guddoomiyaha degmo ka tirsan Puntland

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa la filayaa  in uu markii u horraysay nin nabaddoon ah u magacaabo guddoomiyaha degmad Isku-shuban sida ay caddaynayaan xogaha laga helayo xafiiskiisa.

Madaxweynaha ayaa dhowaan laga sugayaa in uu magacaabo guddoomiyaha cusub ee degmada Isku-shuban oo ka tirsan gobolka Bari.

Nabaddoon Faarax Maxamuud Cabdullaahi oo kamid ah hoggaanka dhaqanka ayaa lagu wadaa in madaxweynuhu u magacaabo guddoomiyaha ku meel gaar ah ee degmada Isku-shuban sida laga soo xigtay xogtan.

Sidoo kale bishii January 2020 madaxweyne Siciid Deni ayaa guddoomiyaha KMG ah ee degmada Carmo u magacaabay nabaddoon Maxamed Ibraahim Faarax.

PUNTLAND POST