Midowga Afrika oo ergay cusub u magacaabay Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika danjire, Mousa Faki Mahamat ayaa Maxamed El-Amine Souef oo ka soo jeeda dalka Comoros u magacaabay ergayga Midowga Afrika u joogaya Soomaaliya ahna madaxa howl-galka ATMIS.

Danjire Maxamed El-Amine Souef ayaa bedelay Danjire Francisco Maderira oo Ra’isul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble dalka ka ceyriyay.

Maxamed El-Amine Souef ayaa soo qabtay xilal kala duwan oo ay ka mid yihiin, wasiirka arrimaha dibadda Comoros, xubin baarlamaan, danjiraha Comoros ee Masar iyo wakiilka jaamacadda Carabta.

Mohamed El-Amine ayaa hadda ahaa madaxa xafiiska magaalada Gao ee howlgalka Qaramada Midoobay ee MINUSMA ee dalka Mali.

PUNTLAND POST