Wasiir Abshir Cumar Huruuse oo maanta ka safray Garoowe

Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Huruuse oo ay weheliyaan mas’uuliyiin heer Federaal ah ayaa hadda ka safray Garoonka diyaaradaha Caasimadda Garoowe ee Gen. Maxamed Abshir.

Wasiirka iyo mas’uuliyiinta wehelisa oo muddooyinkii danbe ku sugnaa Garoowe ayaa u amba-baxay magaalada Muqdisho.

Wasiir Abshir Huruuse ayaa intii uu Garoowe joogay kulamo kala duwan la yeeshay odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta qaarkood oo uu taageero uga raadinayay dowladda uu ka tirsan yahay.

PUNTLAND POST