Shirkadda Tamarta ee NECSOM ayaa maanta magaalada Garoowe ka daah-furtay Mac-hadka Farsamada Gacanta Necsom Technical Institute-NTI.
Munaasabadda Furitaanka waxa ka qayb-galay Maamulka sare ee Shirkadda NECSOM, Madax kala duwan oo ka tirsan dowladda Puntland, Ganacsato, Hoggaanka dhaqanka, Bulshada Rayidka ah iyo marti sharaf kale.
Maamulaha guud ee Shirkadda NECSOM Cabdifitaax Kismaayo oo ugu horrayn ka warbixiyay ujeddooyinka loo as’aasay Mac-hadkan ayaa sheegay in loo hirgeliyay si dadka looga dhiso dhanka Farsamada kala duwan ee Gacanta gaar ahaanna Dhalinyrada maadaama aysan fursaddan horay u jirin.
Siyaasi Maxamed Cabdinuur oo Munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in Shirkadda NECSOM ay kaalin weyn ka qaadato Horumarinta Bulshada, islamarkaana ay koronto bilaash ah siiso Xarumaha Danta guud sida Dowladda Hoose, Isbitaalka guud ee Caasimadda Garoowe, Saldhigyada Booliiska iyo Xarunta Dhimirka.
Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in Shirkaddu ka qayb-qaadato Mashaariicda Horumarinta ee laga hirgeliyo Garoowe iyo guud ahaan Puntland iyo dhinacyada kala duwan ee u qareemidda Bulshada, oo ay u danbaysay Dhaqaalihii NECSOM ku bixisay Gurmadka Abaaraha.
Wasiirka Tamarta dowladda Puntland mudane Caarshe Siciid Aw-Muuse oo dhankiisa hadal ka jeediyay Munaasabadda ayaa tilmaamay in Shirkadda NECSOM ay tusaale u tahay Shirkadaha Ganacsi ee u taagan Horumarinta Bulshada waxaana uu ku bogaadiyay hirgelinta Mac-hadkan muhiimka u ah Bulshada.
Dhammaan Madaxdii ka qayb-galay Munaasabadda Furitaanka Mac-hadkan cusub, oo ay ku jiraan Wasiiro iyo Xildhibaanno ka tirsan Puntland ayaa amaan iyo bogaadin u jeediyay Shirkadda Tamarta NECSOM sida ay hormuudka ugu tahay dhanka Horumarinta Bulshada.
Halkaan ka eeg Sawirada Munaasabadda
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.