Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa saaka safar ugu baxay magaalada Eyl oo ka tirsan Gobolka Nugaal.
Madaxweynaha oo ay weheliyaan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa ka qayb-geli doona doorashada Guddoomiyaha degmada Eyl iyo ku xigeenkiisa oo lagu wado in ay halkaas ka qabsoonto.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale saaka dhagax-dhigay jidka isku xira degmooyinka Dangoroyo iyo Eyl ee Gobolka Nugaal.
Dhinaca kale Madaxweynaha iyo mas’uuliyiinta wehelisa ayaa la filayaa in ay kulamo kala duwan la yeeshaan bulshada degmada Eyl.
PUNTLAND POST