Hiiraan: Al-shabaab oo in ka badan 20 qof oo shacab ah dilay, gaadiidna gubay

Ururka Al-shabaab ayaa dadka shacab ku dilay inta u dhaxaysa degmooyinka Maxaas iyo Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

In ka badan 20 qof ayaa weerarkaas lagu dilay, sidoo kale waxaa lagu gubay ilaa 9 gaari oo siday raashin iyo agab kale, sida ay xaqiijiyeen maamulka gobolka Hiraan.

Wararka ay Al-shabaab ku laayeen dadka shacabka ah, gaadiidkana ku gubeen ayaa la sheegay in uu dhacay xalay.

Dowladda Federaalka iyo maamulka Hirshabeelle ayaa cambaareeyay weerarkaas, waxayna sheegeen in uu ka dhashay dagaaladii wadajirka ahaa ee dadka deegaanka oo kaashanaysa dowladda la galeen Al-shabaab.

Deegaanka Afar-Irdood oo ah goobta weerarku oa dhacay ayaa maalmihii u dambeeyay waxaa dhaqdhaqaaq ciidan ka waday ciidamada dowladda federaalka iyo Al-shabaab.

PUNTLAND POST