Rasaas dad ku dhaawacmay oo ka dhacday garoonka diyaaradaha Laascaanood

Inta la xaqiijiyey afar qof ayaa ku dhaawacmay kaddib markii qaad-wadayaal isku rasaaseen gudaha garoonka diyaaradaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Rasaas ayaa timid kaddib markii khilaaf ka dhashay diyaarad qaad ka keentay Kenya oo doonaysay in ay Laascaanood ka dagto, taas oo markii dambe iyadoo rasaasi ka muutaqo ka degtay magaalada Gaalkacyo.

Maamulka Somaliland ayaa weli ka hadlin israsaaseynta ka dhacday ka garoonka diyaaradaha magaalada Laascaanood ee sababtay dhaawaca afarta qof.

Qaadka Kenya ayaa muddooyinka dambe ka degayay magaalada Laascaanood, waxaana jiray muran la xiriiira soo dejintiisa oo u dhexeeyay ganacsatada keenta.

PUNTLAND POST