Xasan Sheekh iyo Farmaajo oo tacsi u diray Shariif Sheekh oo hooyadiis geeriyootay

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray Madaxweynihii hore ee Dalka Mudane Shariif Sheekh Axmed oo hooyadiis Marxuumad Xasno Cabdulle Isaaq maanta geeriyootay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa yiri “Innaa Lillaahi wa innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Madaxweynihii 7-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed iyo dhammaan ehelada ay ka geeriyootay hooyo Xasno Cabdulle Isaaq.”

Madaxweyne Xasan ayaa Alle uga baryey narxuumadda in uu hoygeeda ka yeelo jannatul fardowsa samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskeeda iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee ay ka baxday Marxuumad Xasno Cabdulle Isaaq.

Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isaguna Shariif Sheekh Axmed uga tacsiyeeyay geerida ku timid hooyadiis.

PUNTLAND POST