Senator Abwaan: Dowladda Xasan Sheekh ma haysato kalsoonida shacabka

Cabdisamad Yuusuf Maxamed (Abwaan) oo ka mid ah Golaha Aqalka Sare ayaa sheegay in dowladda Xasan Sheekh Maxamuud haysan kalsoonida shacabka, sidaas darteed ay adag tahay in ay sugto amniga dalka.

Senator Abwaan ayaa tilmaamay in ay muhiim tahay in marka hore la baadidoono kalsoonida shacabka Soomaaliya.

Senator Abwaan ayaa qoraaal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku yiri “Dawlad aan haysan kalsoonida shacabka, wey adkaanaysaa iney amniga dalka sugto, waxaa muhiim ah in la baadidoono kalsoonida shacabka
Soomaaliyeed”.

Hadalka Senator Abwaan ayaa ku soo aaday, xili saaka hoobiyeyaal lagu garaacay xaafado ku dhow xarunta madaxtootada Soomaaliya, kuwaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayida.

PUNTLAND POST