Maxaa looga hadlay kulan ay maalmo ka hor qaateen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika?

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 29 bishii tagtay ee Agoosto la kulmay taliyaha ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) Gen. Michael Langley oo weheliyo safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Larry André.

Qoraal maanta la soo dhiyay barta Twitterka ee ciidamada AFRICOM ayaa lagu sheegay in 29 bishii tagtay ee Agoosto ay kulan yeesheen Madaxweyne Xasan iyo Gen. Michael Langley, kaas oo looga hadlay arrimo muhiim ah oo inta badan la xiriira dhanka ammaanka sida la dagaalka kooxda Al-shabaab.

Gen. Michael Langley ayaa 29 Agoosto soo gaaray magaalada Muqdisho, wuxuuna kaloo la kulmay mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Cabdqaadir Maxamed Nuur.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa bartamihii bishii May ee sanadkan saxiixay amar boqolaal askari oo Mareykan ah dib ugu celinaya Soomaaliya, si ay uga hortagaan kooxda Al-shabaab ee Soomaaliya, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo markaas la doortay ayaa soo dhaweeyey go’aanka Biden.

Saraakiisha militariga Mareykanka ayaa horey u sheegay in la-dagaalankii Al-shabaab ay wiiqday go’aankii madaxweynihii hore Donald Trump uu ciidamada Mareykanka uga soo saaray Soomaaliya.

Madaxweyne Trump ayaa bishii Janaayo 2021, maalmo kahor inta aanu ka tegin xafiiska, wuxuu Soomaaliya kasoo saaray 700 oo askar Mareykan ah, taasi oo qeyb ka aheyd siyaasad guud oo uu dalka ugu soo celinayey ciidamada Mareykanka ee dibedda ku maqan.

PUNTLAND POST