Madaafiic lagu gaaray xaafado ku dhow Villa Somalia iyo khasaare ka dhashay

Hoobiye ayaa saaka lagu garaacay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisbo, gaar ahaan xaafado ka tirsan degmooyinka Boondheere iyo Xamarweyne, kuwaas oo ku dhow xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Madaafiicda ayaa ku dhacay gurto ay daganaayeen dad shacab ah, waxaana ku dhintay inta la xaqiijiyay saddex qof, halka ay ku dhaawacween ilaa lix kale.

Laamaha amniga gobolka Banaadir ayaa weli ka hadlin hoobiyeyaasha lagu garaacay magaalada Muqdisho iyo khsaaraha ay geysteen.

Magaalada Muqdisho ayaa muddooyinkii dambe waxaa amnigeedu ahaa mid sii xumaanaya, waxaana ku soo baxanayay dilalka iyo wareerarda ay geystaan Al-shabaab.

PUNTLAND POST