Wasaaradaha Maaliyadda Federaalka iyo Dowlad Goboleed dalka oo shir deg deg ah ku yeelanaya Muqdisho

Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradaha Maaliyadda heer Dowlad Goboleed ayaa sida wararku sheegayaan ku ballamay in shir deg deg ah ay isu’gu yimaadaan Muqdisho kadib markii khilaaf soo kala dhex galay.

 Wasaaradaha Maaliyadda Dowlad Goboleedyada dalka ayaa shalay ku dhawaaqay in ay joojiyeen Wada-shaqayntii kala dhexaysay Wasaaradda Maaliyadda heer Federaal oo ay ku eedeeyeen in ay jebisay dhammaan Heshiisyadii Wada-shaqaynta  ee u dhexeeyay labada dhinac.

Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya weli kama jawaabin eedaynta uga timid dhanka Dowlad Goboleedyada ee la xiriirta in ay jebisay dhammaan Heshiisyadii Wada-shaqaynta ee dhinaca Maaliyadda.

PUNTLAND POST