Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ergey u magacaabay Khadar Cabdiraxmaan Faroole

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ergeyga gaarka ah ee ganacsiga heer caalami iyo maalgashiga u magacaabay Khadar Cabdiraxmaan Faroole.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan ayaa la-taliyaha madaxweynaha ee arrimaha shidaalka iyo gaaska u magacaabay Axmed Cali Yuusuf.

Wareegto ka soo baxday Villa Somaliya ayaa lagu yiri “madaxweynaha oo labadan mudane ku soo xulay aqoontooda iyo waayo-aragnimada shaqo ayaa ku adkeeyey in ay door wanaagsan ka qaataan qorshaha dowladdu ee Soomaali isku filan dhaqaale ahaan, kana gudubta saboolnimada iyo abaaraha oo ka mid ah caqabadaha curyaamiyey dalkeenna”.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga rajeeyey labada mudane in uu u fududeeyo shaqada qaran ee hortaalla.

PUNTLAND POST