Madaxweyne Deni oo xilka qaadis iyo magacaabis sameeyay

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xilalkii ka qaaday Taliyihii Ciidamada Daraawiishta Yaasiin Cumar Dheere, wuxuuna xilkaas u magacaabay Abshir Cabdi Jaamac (London). Sidoo kale wuxuu Xuseen Faarax Aadan (Xuseen Dheere) u magacaabay Abaanduulaha Ciidanka Daraawiishta.

Dhanka kale Madaxweyne Deni ayaa xilalkii ka qaaday Taliyihii Ciidanka Asluubta Puntland, Bile Faarax Cali iyo Taliye ku-xigeenkii 1-aad ee Ciidanka Asluubta Cabdirisaaq Gantaal.

Taliyaha Ciidanka Asluubt ayaa loo magacaabay Saxardiid Maxamed Axmed (Colow), halka Taliye Xigeenka 1-aad loo magacaabay Cabdullaahi Cismaan Libaan, sidoo kale Taliye Xigeenka 2-aad ee Ciidanka Asluubta ayaa loo magacaabay Cabdulqaadir Axmed-Khayr Muuse.

Hoos ka akhriso wareegtooyinka

Garoowe: 31 August 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 48 ee 31-da Agoosto 2022, kuna saabsan magacaabid Taliyaha Guud iyo Abaanduulaha Ciidanka Daraawiishta Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda Ciidanimo.

Markuu la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

  1. Waxaa S/Gaas Abshir Cabdi Jaamac (London) loo magacaabay Taliyaha Guud ee Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland.
  2. Waxaa S/Guuto Xuseen Faarax Aadan (Xuseen Dheere) loo magacaabay Abaanduulaha Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland.
  3. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

Garoowe: 31 August 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 47 ee 31-da Agoosto 2022, kuna saabsan magacaabid Taliyaha, Taliye Xigeenka 1-aad , Taliye Xigeenka 2-aad ee Ciidanka Asluubta.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda Ciidanimo.

Markuu la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

  1. Waxaa S/Guuto Saxardiid Maxamed Axmed (Colow) loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Asluubta Dowladda Puntland.
  2. Waxaa S/Guuto Cabdullaahi Cismaan Libaan loo magacaabay Taliye Xigeenka 1-aad ee Ciidanka Asluubta Dowladda Puntland.
  3. Waxaa S/Guuto Cabdulqaadir Axmed-Khayr Muuse loo magacaabay Taliye Xigeenka 2-aad ee Ciidanka Asluubta Dowladda Puntland.
  4. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

DHAMMAAD


PUNTLAND POST