Fiqi: 135 oday dhaqameed, 29 ka mid ah waxaa dilay Al-shabaab

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in 135 oday dhaqameed ay 29 ka mid ah dileen Al-shabaab.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in odayaasha dhaqanka guud ee Al-shabaab dileen ay badan yihiin, balse inta Wasaaradda Arrimaha Gudaha xogtooda hayso ay tahay 324 oday.

“Waxaa hayaa rikoodhka odayaashii 135 ka tirsanaa ee ay dileen Al-shabaab, waa 29. Odayaasha guud ee ay dilaan waa badan yihiin, laakiin rikoodhka la hayo oo wasaaradda yaal waa 324 oday” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Wasiir Fiqi ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu maanta kula qaatay magaalada Muqdisho qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka, kaas oo looga hadlayay la dagaalanka Al-shabaab.

PUNTLAND POST