Madaxweyne Xasan Sheekh oo darajada ciidannimo u soo celiyay Gen. Cabdalla Cabdalla

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dib ugu soo celiyay darajada ciidannimo Gen. Cabdalla Cabdalla Maxamed, Taliye ku-xigeenkii hore ee hay’adda NISA oo 2018 uu ka qaaday madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wareegto ka soo baxday Villa Somalia ayaa lagu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xeer Madaxweyne dib ugu soo celiyey Sarreeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed, dhammaan darajooyinkii iyo xuquuqdii ciidan ee uu ku lahaa Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka, si waafaqsan Qodobbada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka Kumeel-gaar ah”.

“Sarreeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed, laga bilaabo maanta oo aan saxiixay xeerkan Madaxweyne, waxa uu xaq u yeelanayaa dhammaan xuquuqda ciidan ee sharcigu uu u ogolyahay, iyadoo xeerkani uu baab’inayo dhammaan wixii xeer ah oo ka horreeyey” ayaa lagu daray.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidaan oo kale dhawaan darajada ciidannimo dib ugu soo celiyay Gen. Saadaq Joon oo horay uga qaaday madaxweynihii hore.

PUNTLAND POST