Hay’adaha samafalka iyo masuuliyiinta dalka Pakistan ayaa gurmad u fidinaya shacabka Pakistan oo ay soo foodsaareen daadadkii ugu xumaa ee dalkaas ka dhaca muddo tobanaan sannadood ah.
Daadadkaas oo geystey burbur saameeyay illaa 33 million oo qof, iyada oo daadadkaasi ay sababeen dhimashada ku dhowaad 1,200 oo qof, labadii bilood ee la soo dhaafay.
Daadadka ayaa sidoo kale dilay in ka badan 800,000 oo xoolo ah waxayna waxyeello u geysteen beero iyo dalagyo muhiim ah.
Wasiirka Isbedelka Cimilada dalkaas Pakistan Sherry Rehman ayaa sheegtay, in saddex-meelood oo meel ka mida dalka Pakistan inay haatan biyo fadhiyaan, taasoo abuuraysa dhibaato aan la qiyaasi karayn.
Wasiirka ayaa sheegtay in haatan uu dhulkii Pakistan u muuqdo sidii badweyn oo kale oo aanay jirin meel biyaha loo saaraa, maadaama meel walba ay biyo fadhiyaan.
PUNTLAND POST