Dowlad goboleedyada oo joojiyay wada shaqeyntii Wasaaradda Maaliyadda Federaalka

Wasaaradaha Maaliyadda dowlad goboleedyada ayaa joojiyay wada shaqeyntii ay la lahaayeen Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

War-saxaafadeed wadajir ah oo ay soo saareen Wasiiradda Maaliyadda Dawladaha Xubnaha ka mid ah Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in 5 heshiis oo horay wadajir loogu galay ka baxday Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka.

Wasiiradda Maaliyadda dowlad goboleedyada ma caddayn waxa ay yihiin heshiisyada la jabiyay oo la galay intii u dhaxaysay 2019 —2020, balse waxaa la aaminsan yahay in ay tahay lacag ka mid ah deeqaha dibadda oo lagu kabi jiray dowlad goboleedyada.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka

Joojin Dhammaan Wada Shaqeynta Wasaaradda Maaliyadda JFS

Wasiiradda Wasaaradaha Maaliyadda Dawladaha Xubnaha ka ah Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay maanta oo taariikhdu tahay 30th Agoosto 2022 kulan ku yeeshay aaladda fogaan aragga, iyagoo kulankooda diiradda ku saareen wada shaqeynta ay la leeyihiin Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiiraddu iyagoo tixraacaya heshiisyadii wada shaqeynayd ee u dhaxeeyey Wasaraaddda Maaliyadda Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradaha Maaliyadda ee Dawladda Xubnha ka ah Dawladda Federaalka Soomaaliya ee kala ahaa:

  1. Heshiiskii Addis-Ababa ee September 2019
  2. Heshiiskii Kismaanyo ee November 2019
  3. Heshiiskii Kampala ee December 2019
  4. Heshiiskii Nairobi ee January 2020.
  5. Heshiiskii Muqdisho ee August 2020.

Heshiisyadaas oo dhammaan lagu gaaray wada tashi iyo wadar ogol.

Haddaba, markay caddaatay in Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Federaalka Soomaaliya ay si bareer ah u baalmartay, una jabisay heshiisyada sare ku xusan, waxaa laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 30th Agoosto, 2022 Wasaaradaha Maaliyadda Dawladaha Xubnaha ka ah Dawladda Federaalka Soomaaliya ee Puntland, Jubbaland, Galmudug, Konfur-galbeed iyo Hirshabeele joojiyeen dhammaan wada shaqeynta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya inta ay Wasaaraddu ku soo laabanayso xayndaabka sharci iyo fulinta heshiisyada kor ku xusan.

Allaa Mahadleh

  1. Xasan Shire Cabdi
    Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland
  2. Farxaan Cali Maxamuud
    Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Galmudug
  3. Xussen Xirsi Axmed
    Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Jubaland
  4. Axmed Maxamed Xussen
    Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Koonfur-Galbeed
  5. Cali Cabdalle Nuur
    Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Hirshabeele

PUNTLAND POST