Puntland oo marti-gelin doonta Shir u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadda ka anba-baxay Garoonka Diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee magaalada Garoowe waxaana uu dib ugu laabtay Muqdisho.

Wada-hadalladii dhexmaray Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa natiijo la’aan ku dhammaaday islamarkaana wax war-murtiyeed ah laga soo saarin.

Waxaase labada dhinac ku ballameen in la isu’gu yimaado shir guud oo u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada si loo xalliyo Khilaafka jira.

Shirka oo lagu qaban doono Garoowe ayaa waxa marti-gelinaya Puntland sida wararku sheegayaan inkastoo aan weli la cayimin Wakhtigiisa.

PUNTLAND POST