Murankii ka taagnaa dhismaha maamulka degmada Eyl ee Gobolka Nugaal ayaa sihoose loo xalliyay sida ay wararku sheegayaan.
Guddoomiyihii degmada Eyl Muuse Cismaan Yuusuf ayaa lagu qanciyay in aanu mar kale tartamin kadib markii loo sameeyay ballan-qaad shakhsiyeed sida ay xaqiijinayaan dad lagu kalsoon yahay.
Guddoomiye ku xigeenkii degmada Eyl Faysal Khaliif Wacays oo dowladdu riixayso ayaa loo badinayaa in uu ku soo baxo guddoomiyaha cusub ee degmadaas Eyl kadib markii la xalliyay murankii taagnaa.
Faysal iyo Muuse oo ka wada tirsan urur siyaasadeedka KAAH ayaa markii hore labaduba doonayay in ay u tartamaan xilkaan taas oo keentay khilaafka hadda la dhammeeyay.
PUNTLAND POST