Madaxweynaha Puntland oo lagu wado in uu Khamiista booqdo degmada Eyl ee Gobolka Nugaal

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu wadaa in uu maalinta Khamiista  ah safar aan la shaacin ku tego degmada Eyl ee Gobolka Nugaal.

“ Madaxweynuhu maalinta Khamiista ah ayuu booqanayaa magaalada Eyl ee taariikhiga ah si uu bulshada ula kulmo” ayuu yiri mas’uul ka tirsan Madaxtooyada oo aan rabin in la xigto.

Socdaalka Madaxweynaha ayaa ku soo beegmaya kadib markii xalliyay murankii ka taagnaa dhismaha maamulka degmadaas si loo fariisiyo golaha degaanka ee ku soo baxay codka shacabka.

Madaxweynaha ayaa markii labaad booqanaya magaalada Eyl tan iyo intii uu xilkan hayay waxaana uu horay u booqday maalin jimce ah oo ku beegnayd 20-kii bishii March 2020.

PUNTLAND POST