Warar soo baxaya ayaa sheegaya in kalsooni la’aan ka dhex jirto guddiga KMG doorashooyinka Puntland ee TPEC iyo qaar kamid ah ururada siyaasadda.
Warar madax-bannaan ayaa tilmaamaya in ururada siyaasadda qaarkood aysan kalsooni ku qabin guddiga KMG ee TPEC oo u diyaar-garoobaya doorashooyinka degmooyinka harsan.
Xogtu waxay intaas ku daraysaa in laga qabsi qabo ururrada qaarkood in ay qaaddacaan doorashooyinka golayaasha degaanka maadaama aysan kalsooni ku qabin TPEC.
Sida la sheegayo urur siyaasadeedyada ayaa u arkaan in xukuumaddu fara-gelin ku leedahay guddiga KMG ee doorashooyinka sidaas darteedna aan lagu kalsoonaan karin.
Hoggaankii hore ee guddigaas TPEC ayaa xilka iska casilay kadib markii ay sheegeen in ay ka shaqayn waayeen fara-gelinta xukuumadda.
PUNTLAND POST