Gen. Michael Langley oo soo gaaray Muqdisho

Taliyaha ciidamada AFRICOM ee Maraykanka Gen. Michael Langley ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqisho.

Taliye Michael Langley iyo safiirka Mareykanka Danjire André ayaa kulan la qaatay Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur.

Wasiirka Gaashaandhiga ayaa qoraal uu soo dhigay barta Facebook ku sheegay in ay Taliyaha AFRICOM ka wada hadleen la dagaalanka Al-shabaab iyo qorshe kor loogu qaadayo awooda ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya.

“Waxaa maanta magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay Taliyaha cusub ee AFRICOM Gen. Michael Langley. Waxaan la wadaagnay qorshaheena ah sare u qaadida awooda ciidanka XDS si ay ula wareegaan amniga guud ee Dalka iyo la dagaalanka maleeshiyaadka Alshabaab” ayuu yiri wasiir Cabdiqaadir.

PUNTLAND POST