Xasan Sheekh iyo Siciid Deni oo kormeeray qaar kamid ah wasaaradaha Puntland

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta booqday qaar kamid ah xarumaha dowladda Puntland ee Garoowe.

Labada madaxweyne ayaa booqday Wasaaradaha iyo xarumaha dowladda Puntland qaarkood halkaas oo ay kormeer ku sameeyeen sida ay shaqada u socoto.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Siciid Deni waxaa kormeerka Xarumaha dowladda ku weheliyay mas’uuliyiin ka tirsan labada dhinac ee Puntland iyo Villa Somalia.

PUNTLAND POST