
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa loo diyaariyay in uu la kulmo dad la soo xulay oo ka tirsan bulshada Rayidka iyo odayaasha dhaqanka Puntland.
Wararku waxay sheegayaan in Madaxweyne Xasan Sheekh uu galabta la kulmi doono xubno kamid ah bulshada Rayidka ah iyo odayaasha dhaqanka ee ku sugan caasimadda Puntland ee Garoowe.
Kulanka oo ay diyaariyeen mas’uuliyiinta Puntland ayaa laga ilaaliyay dadka mucaaradsan Siciid Deni iyo Xukuumaddiisa sida ay wararku sheegayaan.
Habeen ka hor Siciid Deni ayaa Xasan Sheekh u sheegay in aysan Villa Somalia wax wada-shaqayn ah la yeelan karin cid kasta oo mucaaradsan xukuumadda hadda jirta ee Puntland.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.