20 qof oo ku dhintay dagaal beeleed ka dhacay Galgaduud

Baraagta yar ee sababtay dagaalka

Ilaa 20 qof ayaa ku dhintay tiro oo intaas ka badana waa ku dhaawacmeen dagaal beeleed shalay ka dhacay deegaan hoostaga tuulada Laba-gale ee degmada Caabudwaaq ee Galgaduud.

Dagaal oo u dhexeeya labo maleeshiyo beeleed oo ka soo kala jeeda Caabudwaaq iyo Cadaado ayaa waxaa sababay baraag yar oo laga qoday deegaankaas.

Dadkii dagaalkaas ku dhaawacmay ayaa la geeyay cisbitaallada magaalooyinka Caabudwaaq iyo Cadaado.

Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka tagay Dhuusamareeb ayaa maanta gaaray deegaanka lagu dagaalamay oo weli ay isku hor-fadhiyaan maleeshiyaadkii labada beelood.

PUNTLAND POST