Wararkii u danbeeyay wada-hadalka Siciid Deni iyo Xasan Sheekh

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa doonaya in laga gudbo qodobada adag ee caqabadda ku noqday wada-hadalka Puntland iyo Villa Somalia uga socda Garoowe loona dib dhigo shirar danbe.

Balse Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa diiddan tallaabadan waxaana uu rabaa in hadda laga hadlo dhammaan arrimaha ka dhexeeya labada dhinac kadibna is-faham laga gaaro.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale doonaya in la soo saaro war-saxaafadeed guud oo ku saabsan qodobadii labada dhinac ka wada-hadleen si aysan u burburin wada-hadallada.

Wararkii u danbeeyay waxay sheegayaan in ilaa iyo hadda aanu jirin heshiis guud oo laga gaaray wada-hadalka socda.

Waxaase la soo weriyay in qodobada qaarkood ay labada dhinac isu soo dhowaansho ka muujiyeen oo meel laga sii wadi karo joogaan.

PUNTLAND POST