Muqdisho (Faallo PP) — Toban sano ka hor Soomaaliya waxay ka baxday ku meelgaarnimo. Muddo xileedkii seddexaad ayaa socda ee dowladda federaalka Soomaaliya. Weli Soomaaliya waxay ku tiirsan tahay ciidammo shisheeye; ma jiro ciidan qaran oo ku salaysan heshiis siyaasadeed haddana in gobollo gaar ah la hubeeyo ayay tahay himilada dowladda federaalka oo doonaysa in cunno-qabataynta hubka laga qaado Soomaaliya. Muqdisho waxaa ka wada jira ciidammo loo yaqaanno Xoogga Dalka iyo Badbaado Qaran. Puntland waqti badan ayay u hurtay dib u yagleelidda dowladnimada Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hadda booqanaya Puntland wuxuu muddo xileedkiisii kowaad billowday 10 sano ka hor. Waa Madaxweyne maanta la yimid siyaasado aan ka duwanaynin kuwii uu la yimid markuu siyaasadda barbaradka ku ahaa. Qof waa lagamaarmaa laakiin qaranka Soomaaliyeed lagama maarmo. Waa mabda’ Soomaalinimadu ku dhisan tahay; waa mabda’a Puntland ku aamintay in Muqdisho ay ka soo bixi karaan siyaasiyiin dhowri kara danta qaranka Soomaaliyeed.
Toban sano kaddib way muuqataa in ka saaristii Soomaaliya ku meelgaarnimadu ahayd tallaabo aan laga baaraandagin oo dowladdhisidda Soomaaliya u gacangelisay kooxo wadaagga ilaalinta wixii la lunsaday ama la bililiqaystay. Madaxweyne Xasan xadgudubyo siyaasadeed ayuu geystay muddo xileedkiisii kowaad. Lacagaha Soomaaliya u yaalla bangiyo shisheeye ayuu ka taliyay in la lunsado isagoo qareen Maraykan ah oo dhowaan la maxkamadayn doono u xilsaaray soo daadgureynta lacagtaas Soomaali ka dhexeysa; wuxuu shirkad shisheeye oo taariikh shidaal sahmin lahayn siiyay heshiis ay badda Soomaaliya shidaal kaga baarayaan isagoo Puntland ka reebay baarista waayo Puntland waxay diiddanayd daahfurnaan la’aanta heshiiskii maamulkiisii kowaad la saxiixday Soma Oil & Gas (oo hadda loo yaqaanno Coastline Exploration).
2019kii Madaxweyne Siciid Cabdillaahi Deni wuxuu soo jeediyay in go’aammada labada aqal (Sare iyo Hoose) inta aan la ansixin wadatashi lala yeesho maamul federaaleedyada. Madaxweyne Farmaajo wuxuu ku jawaabay in “gole qaran aan loo baahnayn waayo dalku dowlad iyo sharcidejiyayaal ayuu leeyahay.” Febraayo 2022 Wasiirkii Batroolka Cabdirashiid Maxamed ayaa heshiis waxsoo-saar wadaag si shaqsiyaad ah ula saxiixday Coastline Exploration isagoo jebiyay wareegto madaxweyne oo diidaysay in dowladda federaalku heshiisyo gasho xilliga kala-guurka. Wax tallaabo ah lagama qaadin Wasiirkii kheyraadka Soomaaliya u loogay shirkad shisheeye. Heshiiskaas wuu ka halis-badan yahay Heshiiskii Is-afgarad ee 2009kii dowladdii ku meelgaarku ugu oggolaatay Kenya inay sheegan karto bad Soomaaliyeed. Ugu yaraan laba jeer dowlad federaal ah ayaa gaartay go’aammo lid ku ah qaranka Soomaaliyeed.
Dhowaan dowladda Itoobiya waxay qaadatay go’aammo ay si toos ah maamul federaaleedyada ugala heshiinayso dhowrista nabadda soohdinta. Waa go’aan uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dhibsaday loomase baahna inuu dhibsado waayo maamulkiisii kowaad ayaa Itoobiya heshiis laba geesood ah la galay oo tirtiray heshiiskii dowladdii ku meelgaarka iyo ururkii Dib u xorreynta Soomaaliya. In beel Soomaaliyeed iyo Itoobiya ay heshiis galayaan bay u ekaatay waayo: barlamaankii Jawaari hoggaaminayay kama hadlin xadgudubka dhacay; barlamaan uun baa ka doodi karay in ciidan safka hore oo dalka heshiis looga saaray dib loo soo celiyo. Heshiiskii dowladdii Madaxweyne Xasan la saxiixatay Itoobiya ayuu Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed u aayay. Heshiiskaasi wuxuu ku dhisnaa awood-darrada Soomaaliya iyo ku tiirsanaanteeda Itoobiya.
Maamulka Puntland waa inuu xusuusnaado in xil ka saaran yahay ka hortagga in koox aan la soo dooranin lalana xisaabtami karin ku adeegato aqoonsiga dowladda federaalku ku heshay qarannimada Soomaaliya. Qofna lagama-maarmaan ma aha. Qaranka Soomaaliyeed ayaa lagama-maarmaan ah.
© Puntland Post, 2022
You must be logged in to post a comment.