Ra’iisul Wasaare Xamse oo ballanqaad u sameeyay militeriga ku sugan Beledweyne

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Xamse Cabdi Barre ayaa kormeeray ciidamada militeriga ee ku sugan magaalada Beledweyne.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa ku ammaanay ciidamada guulaha ay ka gaareen dagaalkii iyaga iyo dad shacab ah ay deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan kula galeen Al-shabaab.

Mudane Xamse waxa uu ballanqaaday in xukuumaddu taageero iyo hiil ay la garab taagan tahay ciidamada iyo dadka deegaanka ee isku xilqaamay sidii ay ula diri lahaayeen Al-shabaab.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo saacado booqasho ah ku joogay Beledweyne ayaa dib ugu laabtay magaalada Muqdisho.

PUNTLAND POST