Qaramada Midoobay iyo Soomaaliya oo ka wada-hadlay Gargaarka iyo Taakuleynta dadka abaartu saameysay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa saaka Kulan la qaatay Ku-xigeenka Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Anita Kiki Gbeho.

Qoraal kooban oo ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa lagu sheegay in labada mas’uul ka wada-hadleen xoojinta wadashaqeynta xukuumadda iyo Qaramada Midoobay gaar ahaanna arrimaha gargaarka iyo taakuleynta dadka abaartu saameysay.

Dhinaca kale Ra’iisul wasaare Xamse iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u amba-baxay magaalada Tunis ee caasimadda waddanka Tunisia halkaas oo uu kaga qaybgali doono shirka caalamiga ee TICAD ee horumarinta qaaradda Africa.

PUNTLAND POST