Muxuu yahay ujeedka safarka Ra’iisul Wasaare Xamse ee Tunisia?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta safarkii ugu horreeyay ee dalka dibadiisa ah uga baxay dalka Tunisia.

Ra’iisul Waasare Xamse ayaa magaalada Tunis ee caasimadda waddanka Tunisia kaga qaybgaya shirka Tokyo ee horumarinta Afrika (TICAD), sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

“Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka ambabaxay dalka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa magaalada Tunis ee caasimadda waddanka Tunisia uga qaybgali doona shirka caalamiga ee Tokyo ee horumarinta Afrika (TICAD)” ayaa qoraalka lagu yiri.

PUNTLAND POST