Xasan iyo Xamse oo ka kala degay Garoowe iyo Beledweyne

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadda soo gaaray magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee Garoowe ku soo dhaweeyay madaxda Puntlnad oo hoggaaminayo Madaxweyne Deni, mas’uuliyiin ka tirsan federaalka iyo qaar ka mid ah qaybaha bulshada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulamo la qaadan doona Madaxweyne Deni, waxayna ka wada hadli doonaan arrimo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka labada dhinac ee Puntland iyo Villa Somalia oo muddooyinkii dambe sii xumaanayay.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa ujeedada safarkiisa lagu sheegay u kuurgelidda xaaladda abaaraha iyo dhiirigelinta ciidamada qalabka sida ee la dagaallamaya Al-shabaab.

PUNTLAND POST