Villa Somalia oo faahfaahisay safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Garoowe

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay safarka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu maanta ku yimid magaalada Garoowe ee xarunta dowladda Puntland.

Qoraal ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu yiri “Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ee Puntland ayaa ku qotoma u kuur-galidda xaaladda abaaraha deegaannada Puntland, dardargelinta dib-u-heshiisiinta, xoojinta wadashaqeynta heer federaal iyo heer dowlad-goboleed iyo dhageysiga talooyinka la xiriira dowladnimada ee ay qabaan bulshada Puntland, taas oo aas-aas u ah hiigsiga Madaxweynaha ee Soomaali Heshiis ah”.

“Madaxweyne Xasan ayaa kulammo la qaadanaya Madaxda Puntland, waxgaradka, isimada, ganacsatada, dhallinyarada, haweenka iyo culimada, si uu u dul istaago xaaladda bulshada Puntland, baahiyaha ay qabaan, doorkooda horumarineed ee dalka iyo hirgelinta dowladnimada” ayaa lagu daray.

Wafdiga Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa ka mid ah, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Abshir Cumar Huruuse oo shalay uga soo horreeyay Garoowe, Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Qaranka Mudane Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari), Lataliyaasha Madaxweynaha ee Arrimaha, Federaalka Axmed Cabbaas Axmed, Dastuurka Cabduraxmaan Cabdullaahi Baadiyow, Lataliyaha Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee Arrimaha Dib u heshiisiinta Cali Cabdi Awaare iyo Agaasime Ku-xigeenka Madaxtooyada Mudane Maxamed Amiin Sheekh Cismaan.

PUNTLAND POST