Puntland: Xagee ku dambeeyay Kalfadhigii Baarlamaanka, la xisaabtankii Xukuumadda iyo arrintii Garsoorka?

Dardaarankii ugu dambeeyay ee Guddoomiye Abwaan u jeediyay Golaha

Baarlamaanka Puntland ayaa fadhi uu yeesho waxaa ugu dambaysay taariikhdu markay ahayd July 30, 2022, markaas Goluhu galay fasaxii xuska 1-da Agoosto, waxayna ballantu ahayd in ay maalmo kaddib isu soo noqdaan oo sii wataan kalfadhiga 50-aad, iyagoo jawaab ka sugayay labo guddi oo loo xilsaaray la xisaabtanka Xukuumadda iyo arrinta Garsoorka.

Hase ahaatee tan iyo xiligaas Baarlamaanka Puntland ma yeelan fadhi dambe, waxaana Guddoomiye Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo xildhibaano kale safar ugu baxeen dalka dibadiisa, gaar ahaan qaaradda Yurub, taas oo ka dhigan in kalfadhigii 50-aad oo la xirin lagu kala tagay.

Guddoomiye Abwaan: Heshiisyada garoomada Boosaaso iyo Garowe waa sharci-darro

Sida ay ogaatay Puntland Post, kulamo gooni gooni ah oo dhawaan yeesheen Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo xildhibaannada Baarlamaanka ayaa sababay in baarlamaanku laalo la xisaabtankii Xukuumadda iyo diidmadii xubnaha Garsoorka.

Xeerdejinta Puntland marnaba laguma xaman maddaxbannaani, waa hay’ad ay laanta fulintu ku adeegato tan iyo asaaskii Puntland. U nuglaanta Baarlamaanka Puntland cadaadis ka yimaada madaxtooyada wuu kala duwanaa, wuxuuna ugu daran yahay dowladda hadda jirta ee hoggaamiyo Madaxweyne Deni.

PUNTLAND POST