Itoobiya oo “dhabarjebin siyaasadeed” ku samaysay dowladda federaalka Soomaaliya

tMuqdisho (Wararka PP) — Warsidaha Indian Ocean Newsletter ayaa wax ka qoray siyaasadda dowladda Itoobiya kula xiriirayso maamul federaaleedyada Soomaaliyeed oo gobolladoodu soohdin la leeyihiin Itoobiya. “Abiy Ahmed wuu dhinacmaray dowladda federaalka Soomaaliya markuu toos ula hadlay maamullada Soomaaliyeed” ayuu warsiduhu qoray.

Ku tiirsanaanta dowladda federaalku ku tiirsan tahay Itoobiya ayaa Abiy Ahmed siinaysa awood uu si toos ah kula xiriiro madaxda gobollada Soomaaliya.

Weerarkii dhowr toddobaad ka hor ay Al-shabaab ku soo qaadeen Itoobiya ayaa keenay in heshiis iskaashi uu dhexmaray maamulka Koonfur Galbeed iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya. Inkastoo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud taageeray isdhexgalka dhaqaale ee Geeska Afrika xiriirka dowladda federaalka iyo dowladda Itoobiya hoos ayuu dhacay. Hambalyadii TPLF u soo dirtay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo booqashadii uu Masar ku tagay ayay gorfeeyayaashu ku tilmaameen tallaabooyin shaki ku abuuray taliska Abiy Ahmed.

Way adag tahay in Madaxweyne Xasan si degdeg ah u wanaajiyo xiriirka labada dal cadaadisyada siyaasadeed awgood. Toddobaadkii hore wafdi ciidammo Itoobiya ka socday ayaa booqasho ku yimid Puntland.

Itoobiya waxay 2013 dowladda federaalka Soomaaliya saartay cadaadis keenay in ciidammadeedu ku soo noqdaan Soomaaliya.

2013 ayay dowladdii Itoobiya ee TPLF ku dhawaaqaday inay difaaci doonto Somaliland haddii la soo weeraro. “Waxba kama hagran doonno inaannu difaacno Somaliland haddii weerar lagu soo qaado” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Hailemariam Desalegn. Dhowr bilood kaddib ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh amar madaxweyne ku jebiyay heshiiskii 2008 dhexmaray Dowladdii ku meelgaarka iyo Isbahaysigii Dib u Xoreynta si ciidammada Itoobiya Soomaaliya looga saaro. Heshiiska laba geesoodka ahaa oo ciidammada Itoobiya in Soomaaliya lagu soo celiyo sababay wuxuu wax kama jiraan ka dhigay go’aan nabadeyn iyo isbeddel siyaasadeed dhaliyay. Barlamaankii xilligaas jiray kama hadlin heshiiska laba geesoodka ahaa fududaynayay in ciidammo Xabashi ah lagu soo celiyo Soomaaliya ka sokow eedeymihii xoogaggii Isbahaysiga Dib u Xoreynta Soomaaliya u soo jeediyeen Itoobiya oo taageeraysay dowladdii ku meelgaarka ee Soomaaliya.

© Puntland Post, 2022