Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Abshir Cumar Huruuse ayaa maanta soo gaaray magaalada Garowe ee xarunta Puntland.
Wasiir Huruuse, waxaa garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee Garowe ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Puntland oo ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Wasiirka Maaliyadda Xasan Shire Abgaal iyo Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Ilyaas Cismaan Lugatoor.
Soo dhaweyn kaddib, Wasiirka ayaa xarunta madaxtooyada kula kulmay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo ku-xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash.
Wasiirka Arrimaha Dibada ayaa hordhac u ah Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh oo maalmaha soo socda soo gaari doona Puntlnd.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.