Madax ka socota UNSOM oo booqday Xarunta Baarlamanka Puntland

Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Ahna Guddoomiye ku-xigeenka 2aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta Aqalka Wakiillada ku qaabilay Wefti uu hoggaaminayo Madaxa Siyaasadda u qaabilsan Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) Xafiiska Puntland, Galetshajwe Rebagamang.

Kulanka ayaa looga hadlay xaalada Abaaraha, dhammeystirka dar-dar gelinta hannaanka doorashooyinka Qof iyo Cod ee Puntland.

Madaxa Siyaasadda UNSOM ee Puntland ayaa boggaadiyey shaqada wanaagsan ee Dawladda Puntland qabtay.

Ku-simaha Guddoomiyaha Ahna Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ayaa uga mahadceliyey wefdiga UNSOM wada-shaqeynta wanaagsan ay la leeyihii Dawladda Puntland.

PUNTLAND POST