DFS oo xukun ku riday Haweeney indhool ah

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun 5 sano oo xabsi dibad joog ah ku xiday haweeney ka mid ah dadka qaba baahiyaha gaarka ah.

Hawaaneyda indhoolka ah oo lagu magacaabo Dhigan Xasan Xasaney Laylo ayaa lagu eedeeyay in ay Al-shabaab u kaydin jirtay hubka fudud sida bam bacmeedyada iyo bistooladaha.

Sidoo kale maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya waxay xukun 5 sano oo xarig ah ku riday 14 xubnood oo kale oo lagu eedeeyay Al-shabaab.

Xukunka 15-ka xubnood oo ay ku jirto haweeneyda ka mid ah dadka qaba baahiyaha gaarka ah ayaa xukunkoodu ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah maamulka Koonfur Galbeed.

PUNTLAND POST