Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo la kulmay Safiirka Shiinaha

Wasiirka waxbarashadda Soomaaliya Faarax Sheikh Cabdulqaadir ayaa maanta la kulmay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mudane FEISHENGCHAO.

Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay fududeynta waxbarashada ardayda Soomaaliyeed ee deeqaha waxbarashadda ka hela Jaamacadaha dalka Shiinaha.

Wasiirka waxbarashadda ayaa sidoo kale ka codsaday Safiirka Shiinaha sidii ardayda Soomaaliyeed ee ka qalin jabiya Jaamacadaha dalka loogu ogolaan lahaay sidii ay takhasus ugu sameyn lahaayeen Jaamacadaha dalka Shiinaha.

Safiirka Shiinaha ayaa balan qaaday in uu gacan ka gaysan doono fudueynta qodobada ay isla soo qaadeen Wasiirka waxbarashadda uuna la-wadaagi doono dowladiisa sidii loo fudueyn lahaay ka jawaabista codsiga Wasiirka waxbarashadda Soomaaliya.

PUNTLAND POST