Siyaasiyiin ka horyimid muddo kordhinta Axmed Madoobe

Siyaasiyiin ka soo jeeda deegaannada Jubaland oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisbo ayaa ka horyimid muddo kordhintii baarlamaanka Jubaland ay u sameeyeen madaxweyne Axmed Madoobe.

Siyaasiyiinta oo ay ka mid yihiin Senator Cabdulaahi Ismaaciil Fartaag iyo Cabdirashiid Janan ayaa sheegay in muddo korshintaasi ay baalmarsan tahay dastuurka Jamahuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo kan Jubalanad.

Madaxda dowladda federaalka oo aan weli ka hadlin arrintaas ayay ugu baaqeeen in ay ka horyimdaan muddo kororsiga madaxweynaha Jubaland, waxayna tusaale u soo qaateen muddo kordhintii ay isku dayday dowladda hore, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo qalalaasihii ka dhashay.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo la doortay Agoosto 2019 ayaa muddo xileedkiisa oo 4 sano ahaa ku ekaa bisha Agoosto 2023-ka.

PUNTLAND POST