Ra’iisul Wasaare Xamse oo si kulul uga hadlay weerarkii Hotel Xayaat

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa ballanqaaday in dowladdu ay isla xisaabtamayso – isla markaana ay qaadayso mas’uuliyadda wixii dhacay, oo lala xisaabtami doono cid walba oo hawsheeda gudan weysay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dhaawacyada culus ee aan dalka wax looga qaban karin ay dowladdu u qaadi doonto waddanka dibeddiisa – isagoo intaa raaciyay in sidoo kale ay dowladdu qaadeyso bukaanno kale oo istibaallada horey ugu jiray.

Waxa uu tacsi u diray eheladii iyo qoysaska dadkii ku dhintay weerarkii hotel Xayaat – isaga oo Alle uga baryay inuu naxariistiisa janno siiyo – kuwa dhaawaca ahna Allaah u booga dhayo.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa hadalkan jeediyay, kaddib markii uu booqday isbitaallada lagu daaweynayo dadkii ku dhaawacmay weerarka.

PUNTLAND POST