Maxaa ka jira in rag malab ka ganacsanayay ka qaybqaateen weerarkii hotel Xayaat?

Cabdiqaadir Maxamuud Nuur Faatul oo ka mid ah mulkiilayaasha hotel Xayaat ee Muqdisho ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya in rag daganaa hoteelka ay qaybqaateen weerarka.

Cabdiqaadir Faatul oo wareysi gaara siiyay laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da waxa uu sheegay in aysan jirin rag malab ka ganacsanayay oo hoteelka daganaa iyo hub lagu keydiyay.

Wuxuu tilmaamay in hoteelku lahaa nidaam oo aan qofna la dajin, iyadoo aan la xerayn dokumentigiisa iyo ciddii keentay.

“Hotelka nidaam (system) ayuu leeyahy sida hoteellada caalamiga ah, waxaa jira awaamiir nala siiyay oo hoteellada dhan maraan, qofku markuu hoteelka yimaado baasaboorkiisa iyo cidda keentay ayaa la xereeyaa, la iskama dajiyo qof aan dokumenti laga xarayn…barnaamijyo baraha bulshada qabsaday waan maqlaynay arrintaas waxba kama jiraan cid hub ku keydsatay ama deganaydna.. waan maqlaayay qaar dhahaya malab bay ka ganacsanayeen waxaan caddeynaynaa in aysan waxba ka jirin arrintaas” ayuu yiri.

Sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, weerarkii hotel Xayaat waxaa ku dhintay 21 ruux, halka ay ku dhawaawacmeen 117, balse warar madax bannaan ayaa khasaaraha intaas ka badinaya oo sheegaya dad ka badan 30 qof ku dhinteen.

PUNTLAND POST